Soomaaliya iyo Italy oo kawada hadlay qorshaha horumarinta xiriirka labada dhinac

Published: February 22, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf oo ay weheliyaan Agaasimaha Hay’adda Istaatistikada Qaranka Mudane Sharmaake Faarax iyo Agaasimeyasha waxaayaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa kullan la qaatay Santa Molè, oo ah Agaasimaha Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Talyaaniga ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay Istiraatijiyada horumarineed, iyada oo ay diiradda si gaara u saaray Isticmaalka Nidaamyada Dalka (UCS), la jaanqaadida Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP9 iyo hanaanka Qorshaynta, Kormeerka iyo Qiimeynta ee wadajirka loo fulinayo.

Sidoo kale waxay isku raaceen dar-dargalinta xiriirka horumarineed ee ka dhaxeya labada dhinac.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *