Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlayy Doorashooyinka Dalka

Published: March 7, 2022

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta. Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Midowga Yurub.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga doorashooyinka dalka, waxaana aaladda Zoom-ka uga qeyb galay qaar kamid ah safiirada Midowga Yurub.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa uga mahad celiyay taageerada Midowga Yurub uu lagarab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,

Dhankooda safiirada Midowga Yurub ayaa boggaadiyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyaga oo u rajeeyay xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada in ay kusoo dhammaystiraan howlaha doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *