Soomaaliya iyo Qatar oo yeeshay shirka Iskaashiga Wasaaraddaha

Published: October 6, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Dhigiisa Qatar ayaa wada jir u guddoomiyay kulan xubnaha Wasiirrada ah ee qeybta ka ah wefdiga Ra’iisul Wasaaruhu la yeesheen dhiggooda dalka Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha labada dal, si loo xoojiyo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhexmara Wasaaradaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga la socda RW.Rooble oo kulama kala duwan la yeeshay madaxda Qatar ayaa la filayaa inay dhawaan dalka dib ugu soo noqdaan.

Dowlada Carbeed ee Qatar oo kamid ah dalalka deeqda siiya Soomaaliya gaar ahaan dowlada Federaalka ayaa la sheegay inay wado dadaal lagu dhex dhexaadinayo Raysalwasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo oo xiriir gaar ah laleh maamulka Doxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *