Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa goobaha ciyaaraha ee burbursan

Published: October 4, 2022
Shares60

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Ahmed Binu Mohamed Al-Muwallad.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa goobaha ciyaaraha dalka ee hadda burbursan.

Dhanka kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Maxamed Barre iyo Danjire Ahmed Binu Mohamed Al-Muwallad ayaa inta uu socday kulankooda ku gorfeeyay sidii  dhalinyarada labada labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya isaga kaashan lahaayeen cirib-tirka waxa loogu yeero fikirka xagjirnimada.

Wasiirka Maxamed Barre ayaa Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Ahmed Binu Mohamed Al-Muwallad uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay doorka ay dowladdiisa ka qaadato taageeridda Dowladda Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah waddamada xiriirka dheer la leh Soomaaliya, iyada oo ka qeyb qaadata taageeridda dadka tabaaleysan ee ku nool Goballada dalka.

Horseed Media