Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay dib u bilaabida dhoofka Xoolaha

Published: February 15, 2022

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee Muqdisho danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almuwalad.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ay kaga wada hadleen labada mas’uul xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Boqortooyada Sucuudigu ay dib ugu furi lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo in muddo ah hakad kujiray.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saabsan dhinacyada ganacsiga xoolaha iyo wax wada qabsiga labada dal, isla markaana ay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato.

Danjire Axmed Bin Maxamed Almuwalad ayaa soo dhoweeyey in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee Boqortooyada sucuudiga, waxa uuna rajo fiican ka muujiyey in sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabi doonaan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dedaal xoog leh ugu jirtay sidii dib loogu bilaaabi lahaa dhoofka xoolaha ee Boqortooyada sucuudiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *