Soomaaliya oo baaq ka soo saartay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga

Published: February 6, 2023
Shares2

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysey Dowladda Turkiga khasaarihii iyo waxyeeladii ka dhashey dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

“Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa Dowladda iyo shacabka Turkiga oo dhulgariirkaasi ay kaga dhinteen boqolaal qof, dhaawacyo badan iyo khasaare hantiyeed intaba” ayaa lagu yiri warsaxafadeed lagu baahiyey warbaahinta Dowladda.

Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Dowladda Soomaaliya waxay Ilaahay uga baryeysaa dadkii halkaasi ku dhintey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacanteyna Ilaahay u booga dhayo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaday Dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale inay garab istaagaan shacabka iyo Dowladda Turkiga inta lagu guda jiro waqtigan adag ee gurmadka masiibada dhacdey.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka tacsiyeysay shacabka reer Syria ee iyaguna ku waxyeeloobay dhulgariirkan xooggan ee ka dhacay xadka labada dal ee Turkiga iyo Syria.

Horseed Media