Soomaaliya oo codsatay in lasoo Afjaro hawlgalka la dagaalanka burcadbadeeda

Published: February 16, 2022

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa inay xiligan halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *