![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Maraykanka-TalaalkaJohnson-Soomaaliya-0821-1.jpg)
Dowlada Maraykanka ayaa keentay dalka Soomaaliya talaalka Covid19 oo gaaraya 302,400 kaasi oo ah nooca Johnson & Johnson.
Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka, iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Maraykanka-TalaalkaJohnson-Soomaaliya-0821-2-540x720.jpg)
Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 ayaa ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad. Sida kaliya ee loo joojin karo faafitaanka caabuqani ay tahay in la tallaalo dadweynaha.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/08/Maraykanka-TalaalkaJohnson-Soomaaliya-0821-3.jpg)
Wasaaraddda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, iyadoo Wasaaradda ay ugu baaqday dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.
Talaalka Johnson & Johnson ayaa ah mid qofka halmar qaadanayo, halka talaalada kale loo baahan yahay qof walba in la talaalo laba goor.