Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayay amaanka badaha

Published: December 26, 2019

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Kenya uga qeybgalay shir looga hadlayay amaanka Badweynta Hindiya.

Shirkan oo ka dhacay Magaalada Mombasa ayaa socday 17kii ilaa 18kii Bishan,waxaana ka qeybgelay dhowr dowladood oo ku teedsan Badweynta Hindiya, Midowga Yurub iyo Ururro Caalami ah oo lagu xasuumay.

Kabtan Xasan Maxamed Afrax oo ah Agaasimaha Maamulka Badda ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya kana hadlay madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeybqaadashada sugidda amniga Badweynta Hindiya.

Andrew Lyttle, oo ah lataliyaha amniga Badda Soomaaliya ee howlgalka Midowga Yurub kana hadlay madasha ayaa sidoo kale sheegay in Soomalaiya ay muhiim u tahay amniga Badweynta Hindiya ka qeybqaadashadeedana aan looga maarmeyn.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad waxaana marti gelisay hay’adda Maamulka Badaha Dalka Kenya ee lagu magacaabo KPA.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *