Spain: 13 qof oo ku dhimatay baar ku yaal magaalada Murcia

Published: October 1, 2023

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal dalka Spain, sida ay masuuliyiintu sheegeen, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha uu sii kordho.

Dabka ayaa qabsaday goobo lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Murcia ee koonfur-bari Spain Axadii, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka, iyagoo intaa ku daray in samatabbixiyeyaashu ay wali baadi goobayaan dad aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Jose Ballesta, duqa magaalada Murcia, ayaa sheegay in dabku uu kacay abaare 6-dii aroornimo uuna ahaa “mid aad u daran”.

Diego Seral, oo ka tirsan Booliska Qaranka Spain, ayaa u sheegay suxufiyiinta in dadka dhintay laga helay goobta lagu caweeyo ee Fonda, oo ka mid ah saddex baar oo isku dhagan, kuwaas oo soo gaadhay inta badan khasaaraha dabka, oo sababay inuu saqafka dumo.

Burburku wuxuu adkeynayay in la helo dhibbanayaasha, sidoo kale way adkeyd in la tilmaamo weli halka dhabta ah ee uu dabku ka kacay, ayuu yiri. Aqoonsiga meydadka waxay qaadan doontaa waqti.

Waxaa la baarayaa waxa sababay dabkan.

Horseed Media