Spain ayaa noqotey horyaalka adduunka ee kubadda cagta ee gabdhaha

Published: August 20, 2023
Shares4

Gabdhaha kubadda cagta ee Spain ayaa garaacay xulka England ciyaartii filanka ee koobka adduunka

Spain waa horyaalka kubadda cagta ee adduunka ee gabdhaha ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda kubadda cagta ee England ciyaar ka dhacday Sydney.

Daafaca bidix Olga Carmona ayaa dhalisay goolka kaliya ee finalka – laakiin guusha Spain waxay ku dhisantahay awooda khadka dhexe, oo ay hogaaminaysey Aitana Bonmati.

Laacibadda Olga Carmona ee xulka kubadda cagta Spain ayaa ku filnaatay inay dalkeeda u soo hoydo guushii finalka Koobka Adduunka ee Haweenka , taasoo xaqiijinaysa koobkii adduunka ee ugu horreeyay ee Spain ee ciyaarta haweenka.

Fursadda ugu wanaagsan ee soo maray xulka gabdhaha kubadda cagta ee Ingriiska ayaa ahayd markii laacibada Lauren Hemp ay birta garaacday laakiin taasi waa ay ku dhowaatay sidii ay kooxda heysata horyaalnimada Yurub ay u dhalinlahaayeen goolkoodi u horeeyey.

Daqiiqadii hore waxaa culeysku saarnaa goolhayaha Spain, laakiin waxaa culeysku ka degey markii weerarayhanaka reer Spain Olga ay kubad weerar rogaal celis ah ku dhameystirtay goolhayaha England Mary Earps oo ka siisey dhanka bidix kadibna ku hubsatey shabaqa.

Waxa uu ahaa gool tayo sare waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastey 1 gool iyo waxba.

Spain ayaa heshay fursad ay hogaanka ciyaarta ku laba jibaari karto ka dib markii VAR dib u eegis lagu sameeyay ay ku xaqiijisay kubad ay gacanta ku taabtay Keira Walsh – laakiin rugcadaa reer Spain ee Jennifer Hermoso ayaa waxay kubadda u laadey dhinaca ay u boodey goolhayaha England Mary Earps, kadibna si fudud ayey kubadda laabta ugu qabsatey waxaana uu noqdey Rikoore la khasaariyey.

Ingriisku ma helin fursado kale oo muhim ah oo ay ciyaarta uga dhigi kareen barbar dhac.

Xulka kubadda cagta ee gabdhaha Isbayn ayaa sidaas ku noqdey horyaalaka kubadda cagta adduunka ee gabdhaha 2023, markii u horeysey.

Sida koobka adduunka loogu kala guuleystey dhanka gabdhaha:

  1. 2023: Spain
  2. 2019: USA
  3. 2015: USA
  4. 2011: Japan
  5. 2007: Germany
  6. 2003: Germany
  7. 1999: USA
  8. 1995: Norway
  9. 1991: USA

Horseed Media