Sucuudiga oo xayiraad ku soo rogay Soomaaliya

Published: May 24, 2022
See the source image

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay Soomaaliya iyadoo dadka ka imanaya Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Ilaa 16 dal ayay dowlada Sucuudiga dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan dalkeeda, kadib markii kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya gudaha Sucuudiga.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, , Vietnam, Armenia, , Venezuela iyo Belarus.

Xayiraadan ayaa ku soo beegsamysa xilli dhowaan Soomaaliya loo doortay Madaxweyne cusub kaas oo shaley xilka la wareegay

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *