Sudan: Diyaarad kusoo dhacday magaalada Port-Sudan

Published: July 24, 2023

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalo xeebeedka Port Sudan ee dalka Suudaan.

“Diyaarad rayid ah oo Antonov ah ayaa maanta ku burburtay garoonka Port Sudan, kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday, taasoo keentay dhimashada sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari oo milateri ah. Hal cunug ayaa ka badbaaday shilka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidamada Suudaan.

Shilkan oo dhacay Axaddii ayaa kusoo beegmaya 100 maalmood kadib markii uu dagaalka ka bilowday dalka Suudaan.

Magaalada Port Sudan ee ku taal xeebta Bada Cas ayaa kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Horseed Media