Sudan oo sheegtay inaysan heshiis la galayn Israel

Published: August 26, 2020

Raysalwasaaraha Sudan Abdallah Hamdok ayaa sheegay in xukuumadooda aysan awood u lahayn inay wax heshiis ah la gasho Israel, arrintan oo uu ka codsaday Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

Mike Pompeo, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa Salaasadii shalay booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Khartuum ee dalka Sudan, safarkan oo noqonaya kii ugu horeeyey muddo 15 sano ah oo uu Wasiirka Dibada Maraykanka ku tago dalka Sudan.

Pompeo oo maalmahan safaro ku marayey Bariga Dhexe ayaa doonayey inuu ku qanciyo wadamada Carabta inay heshiis la galaan kadib heshiiskii Maraykanka sheegay inuu dhexdhigay Israel iyo Imaaraatiga.

Abdallah Hamdok, Raysalwasaaraha Sudan ee xukuumada Kumeel Gaarka ah ayaa sheegay in dowladooda loo xil saaray oo kaliya inay dib usoo celiso xasiloonida siyaasadeed iyo in ay qabtaan doorashooyin xor ah sanadka 2022, aysana awood ullahayn in heshiis noocaan ah la galaan Israel.

Abiye Ahmed


Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa isaguna booqasho ku tagay magaalada Khartuum si uu kulamo ulla yeesho madaxda halkaasi ku sugnaa, arrimaha ugu muhiimsan oo ay Itoobiya iyo Sudan ka wadahadleen ayaa la xariirta xiisada ka taagan biyo xireenka Itoobiya dhistay oo ay si adag uga soo horjeedaan dalalka la isticmaala wabiga Nile, sida Masar iyo Sudan.

Maxamed Cismaan

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *