Swan ”Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya”

Published: March 8, 2020

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.’ Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka’ ah.

“Waxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa James Swan.

“Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,” ayuu raaciyay.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.

“In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Swan. “Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka, oo ay ku jiraan dadka talada haya.” ayuu hadalkiisa raaciyey Swan.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *