Taaliye Odowaa oo u digay askarta milatariga ee hubka ku dhex wata Muqdisho

Published: July 11, 2022
Taliye Odowaa

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray askarta milatariga ee hubka ku dhex wata caasimada.

Odowaa ayaa faray dhammaan askarta Xoogga dalka ee ku sugan magaalada Muqdisho inay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna dhigaan hubka.

“Askarta milatariga ee hubka ku dhex wata Muqdisho waa in taliskooda ay yimaadaan hubkana ay dhigaan” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah oo dadka shacabka lagu baarto xilliyada habeenkii

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *