Tahriibayaal badan oo ku dhintay xeebta dalka Liibiya

Published: August 20, 2020

Hay’adaha UNHCR iyo IOM ayaa Arbacadii shalay qeylo-dhaan kasoo saaray xaalada Tahriibayaasha ku sugan dalka Liibiya.

Isniintii lasoo dhaafay ayey 45 qof oo Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 caruur ah ku dhinteen xeebta wadanka Liibiya, kadib markii ay burburtay doontii ay saarnaayeen.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya doonidan ku degtay xeebta nawaaxiga magaalada Zwara, ayaa sheegaya in 37 qof nolol ay kusoo badbaadiyeen kaluumeysatada magaaladaasi.

Dadkaasi soo badbaaday ayaa la sheegay inay hada xiran yihiin.

Tahriibayaasha doonidan saarnaa ayaa u badnaa dad kasoo jeeda wadamada; Chad, Ghana, Mali iyo Senegal.

Hay’adaha baaqa soo saaray shalay ayaa ugu yeeray Dowladaha Midowga Yurub inay sameeyaan gurmadaan Tahriibayaasha ku dhibaataaysan xeebaya Liibiya, waxayna sheegeen in hadaan la helin mashruucan dadka loogu gurmanayo in shilalka noocaan ah soo noq noqon doonaan.

Shilka todobaadkan ka dhacay xeebta Liibiya ayaa noqonaya tahriibayaashii ugu dabnaa oo sanadkan 2020 ku dhinta xeebaha wadankaasi dagaalada ka socdaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *