Taliska Afrikom oo ka hadlay sababaha loo kordhiyay howlgallada iyo duqeymaha loo geysto Al-shabaab

Published: March 11, 2020

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weli ku sugan gudaha Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

“Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu markale yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliy

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *