Taliska Booliska: ” Muudeey waxa uu watay ciidan tira badan”

Published: February 14, 2022

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay talaabadii Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muuddey looga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, xili uu ku wajahnaa magaalada Baraawe.

Taliska Booliska ayaa sheegay sababta loo celiyey guddoomiye Muudeey inay tahay inuu Ciidamo farabadan la tagay garoonka, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in hub iyo ciidan ka badan ilaaladiisa ay ka baxaan garoonka xili doorasho xasaasi ah ay socoto.

” Cabdiweli Muudeey waxa uu watay ciidan tira badan oo sida hub culus, musharaxiinta lagama ogolaan doono saanad ciidan iyo hub culus inay la tagaan goobaha doorashada waxaa loo ogol yahay 5 ilaa 4-Askari” ayuu yiri:- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahin Muudeey ayaa talaabadii axadii loogu diiday inuu u safro magaalada Baraawe, ayaa ku tilmaamay xadgudub lagu sameeyay xuquuqdiisa muwaadinimo ee ah dhinaca safarka iyo ka qeybgalka doorashada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *