Taliska Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgallo ka bilaabanaya Muqdisho

Published: July 5, 2022

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay howlgallo amni xaqiijin ah ka bilaaban doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan cusub lagula dagaalami doono kooxaha burcadda ah iyo kuwa ciyaal weerada ee dhibaatooyinka ka geysta gobolka Banaadir.

“Laga bilaabo maanta waxaan bulshada gobolka Banaadir u xaqiijineynaa in guud ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan kala harin qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, qaybaha kala duwan ee gobolka, fadhiyada madaxa-bannaan iyo ciidanka gaarka ah dhammaan taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu amray in laga wda howlgalo muddo koobana lagu soo afjaro carruurtaasi gaangiska ah ee caadeestay inay Ummadda hantidooda qaataan, dhiigoodana daadiyaan,” ayuu yiri Afhayeen Cabdifitaax.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna usoo gudbiyaan xogta kooxaha dhaca ka geysta Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka ee ku aadabn falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *