Taliska Qaybta Gobolka bari oo hawlgalo lagu sugayo Amnigga ka sameeyay Magaalada Boosaaso.

Published: March 5, 2020

Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in ay soo qabteen hub lagu haystay guryo ku yaala Magaalada Boosaaso, sidoo akle ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Rasaasta Qoriga loo yaqaan RPG-7.

Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howl galadii ka socday magalada bosaso ku soo qab qabtay rasaasta qoriga loo yaqaano 7ka iyo dadkii haystay kuwaasi oo la rabay in lagu khal khal galiyo amniga magalada bosaso.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Bari.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo qabteen dad guryahooda hub ku haystay, islamarkaana iyaga iyo hubkooda dhowaan la soo bandhigi doono, inkastoo aysan faahfaahin ka sii bixin.

Ciidamada ayaa sido kale soo qabtay hub kala duwan kuwaasi oo dhawaan la soo bandhigi doono iyo dadkii hubkaasi guryahooda ku hayay.” Ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Taliska Qaybta Gobolka Bari ayaa mudooyinkii danbe wadday dadaalo lagu xaqiijinayo Amnigga Caasimada Boosaaso, waxayna masuuliyiinta dawladu shacabka ka codsadeen in lala shaqeeyo hay’adaha Amaanka.

Horseed Media ,2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *