Taliyaha Ciidamada Xoogga oo ka qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka

Published: December 14, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo soomaaliya Xubin ka ah.Shirkan ayaa diirada lagu saaray qorshaha Fog ee la dagaalanka

Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dgaalkanka Argagaxisad iyo Dowladaha taageera.Shirkan oo muhiim u ahaa iskaashiga Military-ga dowladdaha islaamka ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo Soomaaliya oo laga taageero la dagaalanka Argagaxisad iyo ciribtirayo fikirka argagixisada.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyaaha Ciidanka Xoogga Ee dalalka sacuudi, kenya, jabuuti, iyo Xogayaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ee Khawaarijta dalka looga saarayo.

Horseed Media