Taliyaha Ciidanka Asluubta oo beeniyay in uu u gefay dadka lixaadkooda dhimanyahay

Published: November 12, 2019
Sawir hore – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa meesha ka saaray inuu gef u geystay dadka lixaadkooda dhimanyahay kaddib hadal ka soo baxay shalay.

Taliyaha oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigayay ciidan uu qorayo taliska asluubta ayaa sheegtay in qof lug la’. qof Il la’ iyo qof kale oo waayeel ahba aan looga baahneyn ciidanka isagana tagaan goobta.

Ururrada u dooda xuquuqda dadka lixaadkooda dhimanyahay ayaa aad u cambaareeyay hadalka Taliyaha oo ay ku tilmaameen in takoor iyaga ka dhan ah.

Mahad iska difaacayay eedeyntaas ayaa sheegay in qof lixaadkiisu dhimanyahay ama waayeel ah uusan marnaba ka mid noqoneyon Ciidamada nooc kasta sidaas darteedna aysan takoor ahayn.

Waxaa kale oo uu isku difaacay in ciidamada u naafoobay dalka iyaga oo u shaqeynaya ay ka tirsanyihiin ciidanka laakiin qof cusub oo lixaadkiisu dhimanyahay aan la qoreyn.

Dadka ay da’dooda u dhaxeyso 18 ilaa 25 jir ayuu ku baaqay in ay codsadaan ciidamada islamarkaana dadka da’daas ka weyn aan looga baahneyn ciidamada asluubta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *