Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Published: April 30, 2024

Taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga, Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay hormarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dowladda Turkey ayaa Soomaaliya ka taageerta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaajita ah iyo dhinacyo kale oo badan.

Horseed Media