Taliyihii Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay.

Published: March 3, 2020

Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa xilkii ka qaaday taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir Ibrahim Macalin sida ay warbaahinta gudaha tebisay, waxaana si ku meel-gaar ah xilkaas si kumeel gaar ah loogu magacabaay Ciise Maxamed Ciise oo ka mid ahaa saraakiisha NISA.

Ibrahiim Macalin ayaa xilkaan hayay mudo sano iyo bilo ah, Lama shaacin sababta xilka looga qaaday taliyihii hore, tan iyo intii xilkaan loosoo magacaabay Agaasimaha Hay’adaas ahad Yaasiin waxaa socday is bedelo kala duwan oo Hey’adda lagu samaynayo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *