Tanzania: 65 qof oo ku dhintay roobabka iyo daadadka

Published: December 6, 2023

Ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Tanzania, sida ay ka dhawaajiyeen madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa.

Roobab mahiigaan ah ayaa qaaday gawaari waxayna dumiyeen dhismayaal ku yaal buurta Magaalada Katesh oo 300-km waqooyi ka xigta caasimada.

Sawirro laga sii daayay taleefishinada ayaa muujinayay burburka guryaha oo ay ku jiraan agabka guryaha, oo daadsan waddooyinka, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xadhkaha korontada iyo isgaarsiintu ay go’an yihiin.

Ilaa 5,600 oo qof ayaa barakacay, sida uu sheegay Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda.