Tanzania: Tirada dhimashada doonidii qalibantay oo sii korortay

Published: September 22, 2018

Dowlada Tanzania ayaa sheegtay in hada la xaqiijiyey in tirada dhimashada dadkii ay la degtay doonida khamiistii lasoo dhaafay ay gaareyso in ka badan 160 qof.

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa amray in lasoo xiro mulkiilaha iyo naakhuudihii doonidaasi oo la sheegay inay sharciga jabiyeen kadib markii ay xamuul iyo rakaab ka badan intii loogu talo galay saareen doonidaasi ku degtay harada Lake Victoria, khamiistii gelinkii danbe.

Ciidamada Gurmadka ayaa sheegay inay maanta oo Sabti ah nolol ku heleen hal qof oo ay kasoo dhex saareen doonidaasi gadoontay, waxaana illaa iyo hada nolol lagu helay dad gaaraya 41 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *