Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii Turkgia & Siiriya oo gaaray ku dhowaad 30 kun oo qof

Published: February 12, 2023
Shares10

Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay dalalka Turkgia iyo Siiriya ayaa haatan kor u dhaaftay 28 kun oo qof.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku dhaawacmay dhulgariirkan cabirkiisu yahay 7.8 uu ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya Isniintii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka dhismayaasha dumey.

Sidoo kale, shan qof oo Soomaali ah oo ku dhintay dhul-gariirka ayaa shalay la aasay, iyadoo 4 hablood oo Soomaali ahna ay ka mid yihiin dadka wali la la’ yahay.

Horseed Media