Tirada Dadka ku Dhintay Qaraxii Liido oo gaartay 32 qof

Published: August 3, 2024

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

“Guud ahaan waxaa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradooda kor u dhaafeyso 32 qofood, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo isugu jiro dhaawac culus iyo mid fudud oo gaaraayo 63 ruux” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya.

Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, waxaana sidoo kale uu xusay in la toogtay 3 nin gudaha u gashay hoteelka Beach View.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday waxlaha qarxa, isla markaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-Shabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.

“Arrintan waxay farriin cad u tahay bulshada Soomaaliyeed oo aan leeyahay wax innoo haray ma jiro Khawaarij taargadkooda ma’ahan shaqsi dowlad u shaqeeya ee maanta waxa ay u socdaan inay isir sifeeyaan macaga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyay.

Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere.

Video