Tirada Dadka U Dhintay Covid-19 oo Gaadhay Toddobaadkan Kun

Published: April 7, 2020

Guud ahaan caalamka wuxuu cudurka coronavirus ku dilay 70 Kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Maraykanka ee Johns Hopkins University.

Tan iyo Markii uu Cudurka ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December ee sanadkii hore, wuxuu ku faafay ilaa 183 wadan oo caalamka, tirada kiisaska cudurka ee caalamkan waxay ay gaadhay hal milyan iyo saddex Boqol oo kun oo qof.

Cudurka Coronavirus oo aan weli loo helin daawo iyo talaal lagaga hortego wuxuu aad u saameeyay wadamada Talyaaniga, Spian, Ingiriiska iyo Maraykanka.  Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay dad ka Badan 15 kun oo qof, halka wadanka Spain uu dilay  13 kun oo qof, Wadanka Maraykana waxaa u dhintay Cudurka dad ku dhow 10 kun oo qof. Sidoo kale wadanka Faransiiks waxaa cudurka u dhintay 8 kun oo qof.

Tirada dadka Laga daaweeyay Cudurka ayaa hadda  ah 270,000 kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *