Tirada dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Suuriya oo ku dhow 50,000 oo qof

Published: February 15, 2023

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Horseed Media