Tirada dhimashada dhulgariirkii Turkiga & Syria oo kor u dhaaftay 4,000 oo qof

Published: February 7, 2023

Khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria ayaa sare u kacay.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 4,000 oo qof, halka la aaminsan yahay in boqollaal qof oo kale, inay ku hoos xanniban yihiin burburka dhismayaasha.

Dhulgariirkan oo cabbirkiisu gaarayey illaa 7.8 ayaa xudduntiisu ay ahayd meel u dhow deegaanka Gaziantep oo u dhow xuduuda Turkiga iyo Syria, waxaana xigay dhulgariir kale oo cabbirkiisu gaarayey illaa 7.5 kaas oo galabnimadii isna ka dhacay, meel u jirta deegaankan illaa 100 KM.

Dhulgariirkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta dalka Turkiga, waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon.

Masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 2,316 ay ku dhinteen dhulgariirka halka dhaawacuna uu kor u dhaafay illaa 13,000 oo qof.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in loo gurmaday illaa 7,800 oo qof oo ku hoos jiray burburka dhismayaasha, halka guryaha burburayna ay gaadhayaan illaa 5,600 oo guri.

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa iyaguna sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso illaa 1,444, halka dhaawacuna ka badan yahay illaa 3,500 oo qof.

Horseed Media