Trump iyo Uhuru oo Ka Wada Hadlay Howgalka Kiiniya ee Koofurta Soomaaliya

Published: March 8, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula soo xiriiray madaxeynaha Kiiniya Uhuru kenyatta, waxayna ka wadahadleen xiriirka dhaqaale, la dagaalanka argagixisada, howlgalada ciidanka kiiniya ee Koonfurta Soomaaliya iyo guud ahaan xasiloonida afrika.

Afhayeenka aqalka cad ee maraykanka Sean spicer ayaa sheegay in wadadahalka dhinac telefoonka ee labada hoggaamiye uu dhacay maalintii talaadada, guud ahaan uu la xiriiray xiriir dhow oo iskaashi oo labada dhowladood ka yeeshaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada iyo caqabadaha kale ee dhinac amniga ka jira Qaaradda.

” Madaxweyne wuxuu xusay sida uu maqsuud uga yahay kaalinta kenya ee howlgaladda ciidamada midowga afrika ee Amisom ee Somalia, wuxuun aqoonsaday nafhurnimada ciidamada kiiniya ee dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab” ayuu yiri

Waa markii shanaad oo madaxweynaha maraykanka uu khadka telefoonka kula hadlo madaxda qaarada afrika tan markii la dhaariyay 20 bishii janaury, wuxuu hore ula hadlay madaxweynayaasha Masar, Nayjeria, Koonfura Afrika iyo madaxweynaha Tunisia.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *