Trump oo beeniyey inuu aflagaadeeyey Askartii dhimatay ee Maraykanka

Published: September 5, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareyn kala kulmay murashaxa xilka kula tartamaya Joe Biden, kadib markii jaraa’idka dalkaasi shaaciyey warbixin sheegaysa in Trump marar badan aflagaadeeyey askartii Maraykanka ee dagaalada lagu dilay.

Warbixintan ayaa lagu shaaciyey jariirada [The Atlantic magazine] iyo wakaalada wararka ee [The Associated Press] oo soo xiganaya xubno ka shaqeeya Aqalka Cad kuwaasi oo sheegay in Trump askartii lagu dilay dagaaladii dunnida ee 1aad iyo 2aad ay ahaayeen “doqomo” iyo kuwo guuldareystay.

Hadaladan ayuu Trump yiri xiligii uu safarka ku joogay dalka Faransiiska bishii November ee sanadkii 2018, xiligaasi oo uu Trump diiday inuu booqdo Qabuuraha ay ku aasan yihiin askartii Maraykanka ee ku dhintay dagaaladii dunnida.

Warbixinadan la shaaciyey oo kusoo beegmay xili lagu jiro ololaha doorashada dhaceysa November ayaa fursad kale u siisay murashaxa la tartamaya Trump inuu cambaareyn adag dusha uga tuuro Madaxweynaha xilka haya.

Joe Biden Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga horeyna usoo noqday Madaxweyne kuxigeen ayaa sheegay in Trump uusan u qalmin inuu xilka Madaxweynaha markale qabto.

Trump oo eedeyntan ka jawaabaya ayaa Jimcihii shalay sheegay in wararkan ay yihiin been (Fake News) isla markaana uusan raali gelin ka bixin doonin waxa lagu eedeeyey. Wuxuuna sheegay inuu filayo in wararkan qofka faafiyey inuu yahay Agaasimihiisii hore ee Madaxtoyada Gen. John Kelly oo xilka isaga tagay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *