Trump oo laga helay cudurka Covid19!

Published: October 2, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhacay cudurka saf marka ah ee Covid19.

Khamiistii shalay ayaa baaritaan la mariyey Trump iyo Xaaskiisa Melania lagu xaqiijiyey in labadooda laga helay cudurkan caalamka ku baahay.

Madaxweynaha Maraykanka iyo xubnaha ka shaqeeya Aqalka Cad ayaa asbuuc walba laga baaraa cudurkan oo horey ugu dhacay qaar kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada iyo Illaalada Trump.

Trump iyo Xaaskiisa Melania ayaa la sheegay in hada lagu karantiilay goob gaar ah, wuxuuna Madaxweynaha Maraykanka bartiisa Twitter ku qoray inay kasoo kaban doonaan cudurkan haleelay.

Dhawaan ayaa cudurka coronavirus laga helay Lataliyaha Madaxweynaha Ms. Hope Hicks oo kamid ahayd xubnaha Trump ku wehliya safaradiisa.

Donald Trump ayaa Arbacadii booqasho ku tagay gobalka Minnesota oo uu uga jiray ololihiisa doorashada, gobalkaasi oo kamid ah goobaha uu cudurkan sida ba’an ugu faafayey todobaadyadii lasoo dhaafay.

Trump ayaa horey u diiday inuu joojiyo kulamada iyo isu-soo-baxyada uu taageerayaashiisa u dhigayey, wuxuuna horey marar badan u diiday inuu afka xirto isagoo sheegay in uusan cabsi ka qabin cudurkan maadaama baaritaan la mariyo qof walba oo uu la kulmayo.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *