Turkey: Khasaarihii Dhulgariirka oo sii kordhay

Published: November 2, 2020

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Jimcihii lasoo dhaafay ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga ayaa hada gaareysa 81 qof, walow ay jiraan dad nool oo laga soo dhex saaray guryaha burburay.

Magaalada Izmir oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan ee dhulgariirka ayaa waxaa weli ka socda dadaalka lagu baadi goobayo dadka la rumeysan yahay inay weli ku hoos jiraan guryaha burburay.

Maanta iyo shalay ayaa laga soo saaray qaar kamid ah guryaha burburay dad nool, waxaana kamid ahaa odey 70 sano jir ah iyo gabar 14 sano jir ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *