Turkiga iyo Ruushka oo ku heshiiyay xabad joojin ka hirgasho Libya

Published: January 9, 2020

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku baaqay xabad joojin ka hirgasho dalka Libya si loo joojiyo colaada dalkaasi.

Labada hogaamiye ayaa loo arkaa in ay lakala safan yihiin labada dhinac ee isku haya dalka Libya.

Go’aankan ay labada madaxwayne qaateen ayaa yimid kadib markii uu kulan ku dhex maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoona Erdogan uu sheegay in xabad joojintu ay dhaqan gali doonto saqda dhexe ee habeenimada Axada.

Turkiga ayaa todobaadkii hore ciidamo u diray dalka Libya si ay u taageeraan dowladda ay Qarama Midoobe taageerto caalamkana uu aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magalaada caasimada ah ee Tripoli.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *