Turkiga iyo Suudaan oo wadahadallo ka yeeshay arrimo la xiriira sirdoonka labada dal

Published: January 17, 2023

Taliyaha sirdoonka dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda militeriga ee Suudaan, iyagoo ka wada hadlay in la is-weedaarsado xogta sirdoonka iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.

Hakan Fidan ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxa golaha sare ee ka taliya Suudaan , janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xamdan Dagalo, waxaana goob joog ka ahaa taliyaha sirdoonka Suudaan Axmed Ibraahim Mufadal.

Taliyaha sirdoonka Turkiga uu siday farriinta ah in dalkiisa uu taageerayo heeshiiska ay dhinacyada Suudaan ka gaareen qaab dhismeedka heshiis lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed.

Turkiga ayaa ka mid ahaa dalalka beesha caalamka ee taageeray heshiiskan, kaas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ee Suudaan.

Horseed Media