Arday Turkiga deeq waxbarasho ka helay oo Muqdisho ka dhoofay

Published: February 2, 2012

Dowlada Turkiga ayaa maanta ka duulineyso magaalada Muqdisho in ka badan 700 oo arday ah kuwaasi oo deeqo ay siisay deeqo waxbarasho oo isugu jira dugsiga hoose iyo dugsi sare.

Ardaydaan oo haatan ku sugna garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cade ayaa isugu jira hablo iyo wiilal, waxaana ay ka kala yimaadeen gobolada dalka Soomaaliya oo ay kasoo xushay wasaarada waxbarashada.

Qaar badan oo ka mid ah ardadadan oo iyaga oo ku sugan garoonka la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin in ay u baxaan dalkooda si ay usoo kasbadaan waxbarasho dibna ugu soo laaban dalka.

Saraakiisha wasaarada waxbarashada dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in si cadaalad ah loogu qeybiyey ardayda inti nasiibka u heshay kuwaasi oo galay imtixaan ay intooda badan qaadayeen saraakiil ka socotay dowlada Jabuuti iyo saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga.

Kaalmooyinka waxbarasho oo ay ugu tala gashay dowlada Turkiga ayaa waxaa si gaar ah u wada wasaarada Diinta iyo Awqaafta dalkaasi iyo wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare, iyaga oo kaashanaya wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada KMG Soomaaliya.

Sanadki hore Turki waxay ka qaaday Soomaaliya arday fara badan oo hada si habsami leh wax uga baranayo iskuulada kala duwan ee dalkaasi.

Turkiga ayaa ah dadl ay maamusho dowlad ay majaraha u hayaan siyaasyisiin Islaami qunyar socod ah, waxaana ay balan qaadeen in Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic dib u dhis ah.

 

Horseed Media