Ugu yaraan 17 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay masaajid ku yaalla Pakistan

Published: January 30, 2023

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 90 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Peshawar dalka Pakistan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah kaas oo uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, iyadoo darbiyada masaajidka ay dumeen.

Qaraxa ayaa dhacay iyadoo ay masaajidka ku jireen ilaa 150 qof oo cibaadeysanayay, oo ay ku jiraan booliska.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa xaaladdoodu aad u liidataa, kadib qaraxan ka dhacay masaajid ku yaala .

Saraakiisha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku hoos jiraan masaajidka burburay.

Adeegyada caafimaad ee deegaanka ayaa laga deyrinayaa iyadoo tobanaan qof oo ku dhaawacmay qaraxa la geeyay isbitaalada.

Horseed Media