Uhuru Kenyatta oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada Kenya.

Published: July 15, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa booqasho rasmi ah uga bilaamatey dalka aan jaarka nahay ee Kenya. Uhuru Kenyatta Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalka Jamhuuriyadda Kenya ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey dhigiisa Soomaaliya gelinkii danbe ee maanta oo Jimce ah, waxaana labada dhinac u bilaamaya wada hadal, kadib muddo xiriirka labada dal uu xumaa.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda diblomaasiyadeed uu ahaa mid aad u hooseeya, saddexdii sano ee u danbeysey, labada dal ayaa marar kala duwan u yeertay safiiradooda, Soomaaliya waxay joojisey Khatka Miraaga ee laga soo dhoofiyo Kenya, kadib marki ay ku eedeysey in ay ku xadgudubtey madaxbanaanida Jamhuuriaydda. Kenya ayaa duqeymo ka geysatey marar kala duwan gudaha Soomaaliya, taas oo dad shacab ah waxyeelo ka soo gaartey. Kenya ayaa sidoo kale diidey in ay aqoonsato go’aankii Maxkamadda caalamiga ah ay Soomaaliya ugu xukuntey biyaha Kenya ay Soomaaliya ku qabsatey.

WADAHALAKA & DANAHA LABADA DAL

Kenya waxay diirada ku saari doontaa wada hadalkan, sidii Khatka loo furi lahaa, iskaashiga la dagaalanka argagixisada, iyo hagaajinta xiriirka labada dal.

Soomaaliya ayaa muhimad siin doonta, sidii Kenya u beddeli lahayd mowqifkeeda midnimadda Jamahuuriyadda Federeaalka, in Kenya si dhab ah u oggolaato go’aankii Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, sidii loo fududeyn lahaa safarada dadka rayidka ah oo dhibaato kala kulma, arrimaha amniga gobolka iyo sidii ganacsigu u ahaan lahaa mid is dhaafa labada dal ee aan hal dhinac ka socon.

Kenya waxay geleysa doorasho 9 bisha Ogoosto 2022, Uhuru Kenyatta tartanka kuma jiro, waxaana ku tartamaya Raila Odinga oo Kenyatta taageerayo iyo Madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo saaxiibkiis Uhuru ay kala irdhoobeen oo kala fogaadeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *