Uhuru Kenyatta oo ku gacan seyray go’aankii kasoo baxay Maxkamadda ICJ

Published: October 13, 2021

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kahor yimi go’aanka xukunka kiiska Badda ee kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kaas oo ay xaduud badeedka muranka gelisay Nairobi ay Maxkamaddu badankeed u xukmisay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda ee Xukminta Kiiska badda ayaa sheegay in uu waxyeeleynayo xiriirka ka dhaxeeya labada dal isagoona ku gacan sareysay gabi ahanba xukunka kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Waxa uu sheegay in Xukunka Maxkamadda uu isbaddel wayn ku keeni doono horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee labada dal, isla markaana uu halis gelin doono ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *