Soomaaliya iyo Liibiya oo iska kaashanaya xiriirka dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Published: May 1, 2024

La-taliyaha sare ee Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb; Daahir Maxamud Geelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya, Maxamed Yonis AL-Manfi.

Amb; Geelle ayaa dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Dr; Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Libiya.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka walaalnimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xiriirka dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Horseed Media