Uhuru: Somaliya Waxay Ku Soo xadgudubtay sharafta dhuleed ee Kenya.

Published: March 4, 2020

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee Somaliya ay ku soo xadgudubtay madaxbanaanida iyo sharafta dhuleed ee dalkiisa.

Madaxweynaha Uhur oo shir guddoominayay kulana gollaha amniga ee Kenya waxaa uu sheegay in la soo sheegay in ciidamada milateriga Somaliya ay ku dhex dagaalameen ciida kenya, ayna burburiyeen hanti ay leeyihiin shacabka Kenya ee degan magaalada Mandheera.

Afhayeenka madaxweynaha Kenya Kanze Dena-Moraro oo hadlay ayaa dowladda Somaliya ku eedeeyay inay jabiyeen sharciga caalamiga ah ee dagaaladda, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu yiraahdo in ciidamada Somalidu ay ku soo xabgudbeen ciida Kenya.

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daawac u ah wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid jannaan ayaa maalintii isniintii ku dagaalamay magaaladda Beledxaawo. Dagaalkaasi waxaa ku dhintay ilaa 5 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Madaxweynaha Kenya wuxuu ugu baaqday dowladda Federaalka inay la fariisato maamulgoboleedyada oo ay joojiso waxa uu ku sheegtay “ololaha gefka ee ka dhanka Kenya iyo daandaansiga aan sababta lahayn, kuna mashquusho arrimaha guda dalkeeda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *