UK: Cunsuriyiinta rabshadaha wada iyo Masaajidka Sunderland oo la weeraray

Published: August 3, 2024

Jimcihii ayey kooxo cunsuriyiin ah weerar ku qaadeen masaajidka magaalada Sunderland, kooxahan oo ay isku dhaceen booliiska, kadib rabshado ka dhashay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Southport horaantii todobaadkan.

Xiisad ayaa ka dhalatay dhagxaan iyo qasacadaha khamriga oo lagu tuuray ciidamada booliska oo ku sugnaa banaanka hore ee masjidka ku yaala wadada St Mark.

Cunsuriyiinta dalka Ingiriiska ayaa todobaadkan bilaabay baanbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dadka soogalootiga ah, kadib markii wiil madow oo 17 sano jir ah weerar mindi oo uu geystay isniintii lasoo dhaafay uu ku dilay sadex carruur ah.

Kooxaha cunsuriyiinta ayaa warar been ah ku faafiyey baraha bulshada, iyagoo weerarka uu geystay wiilkaasi ku eedeeyey muslimiinta, wararkaasi beenta ahaa oo markii danbe ku khasabtay maxkamada inay shaaciso magaca ninka weerarka geystay oo kasoo jeeda qoys Kirishtaan ah.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey banaanbaxyo lamid ah kuwan ka dhaceen magaalada Hartlepool.

Isla mar ahaantaana, dad gaaraya 200 oo qof oo ka soo horjeeda cunsuriyiinta ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee Masjidka Abdullah Quilliam ee magaalada Liverpool, kadib markii ay soo baxeen warar xan ah oo ku saabsan in kooxaha midigta-fog ay damacsan yihiin inay masaajidkaasi weeraraan.

Booliiska dalka oo dhan ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan masaajidda iyo goobaha la dejiyo dadka magangalyo doonka ah.

Raysalwasaaraha UK Keir Starmer ayaa khamiistii kulan deg deg ah isugu yeeray hogaamiyayaasha booliska, isaga oo ka jawaabaya qalalaasaha ka jira magaalooyin badan oo dalka kamid ah kadib weerarkii tooreyda wuxuuna ku dhawaaqay in la sameeyay unug cusub oo booliiska qaranka si ay uga hortaan kooxaha qaska iyo rabshadaha wada.

Horseed Media