UK oo fasaxday isticmaalka daawada Talaalka ee Covid-19

Published: December 2, 2020

Dowlada UK ayaa fasaxday in la isticmaalo daawada cusub ee talaalka looga hortago cudurka Covid-19 oo ay soo saareen shirkadaha Pfizer-BioNTech.

Dowlada Ingiriiska ayaa noqoneysa dowladii ugu horeysay ee dalalka Yurub ee durbaba ogolaata isticmaalka daawadan oo la filayo in dhawaan laga bilaabo wadankaasi, si loo talaalo dadka u nugul cudurka Covid-19.

Illaa iyo hada waxaa jira sadex shirkadooda oo ku guuleystay dhameystirka daawada Talaalka Covid-19 kuwaasi oo dalalka Caalamka weydiistay in loo fasaxo isticmaalka talaalkan, Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa lagu wadaa sidoo kale ay dadajiyaan talaalka shacabkooda.

Hay’adaha dalalkaasi u qaabilsan caafimaad ayaa wada diyaarinta listiga sida loo kala hormarinayo dadka talaalkan lasiinyo, waxaana la sheegay inay ugu horeeyaan dadka waayeelka iyo kuwa ka shaqeeya xarumaha caafimaadka ee lagu hayo dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *