UK oo ka digtay in Gargaarka Midowga Yurub u qorsheeyay Ukraine uu caqabad ku noqdo kan Soomaaliya

Published: December 3, 2022

Wasiirka horumarinta ee Britain Andrew Mitchell oo Soomaaliya booqanaya ayaa ka digay in gargaarka reer galbeedka ee ku socda Ukraine uusan noqon mid xagaldaaciya gurmadkii loo fidin lahaa dadka abaaraha la daalaa dhacaya ee Afrika.

Andrew Mitchell, Wasiirka Horumarinta Boqortooyada Ingiriiska oo bixiyay Wareysi uu uga xog-warramay Xaaladda Bani aadamnimo ee Soomaaliya ayaa ka digay in Gargaarka Midowga Yurub uu u qorsheeyay Ukraine uu caqabad ku noqdo kan Soomaaliya.

Wasiirka Horumarinta Dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell waxa uu soo jeediyay in laga hortago halista muuqata ee ka dhalatay Abaarta iyo Colaadda ka jirta Soomaaliya oo ah mid sanado jirsatay.

Waxa uu intaas ku daray aanay la aqbali Karin in lagu daawado dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya oo uu ka xog-dheragsan yahay sidaas awgeed loo baahan yahay in dib u dejin, gargaarsiin & gacan-qabashada u baahan.

Sidoo kale caalamka ayuu soo jeediyay in ay soo eegaan Soomaaliya si ay u arkaan Xaaladda dhabta ah ee ka jirta, Wasiirka Horumarinta UK ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhexda u xiraneyso sidii ay gargaar bani aadamnimo u siin lahayd Soomaaliya.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso Kaalmada Bani aadamnimo ee Soomaaliya si Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah ay u qaybiyaan una maamulaan deeqdooda.

Horseed Media