UK, Qatar iyo Maraykanka 0o Soomaaliya ugu deeqaya 10.5 Milyan

Published: June 5, 2023

Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa deeq lacageed oo dhan 10.5 Milyan oo doollar ugu deeqaya dowladda Soomaaliya.

Deeqdan lacageed ee ay iska kaashanayaan Qatar, Uk iyo Maraykanka ayaa looga talogalay in wax looga qabto saamaynta ka dhalatay macaluusha iyo abaarihii Soomaaliya ku dhuftay 2021-2022.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajahday abaar daran taasoo saamayn ku yeelatay qoysas badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku barakacay gudaha dalka kadib markii ay dhamaadeen xoolahooda.

Horseed Media