Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo cambaareeyey dilkii Ismail Haniyeh

Published: August 7, 2024

Shir aan caadi ahayn oo ay magaalada Jidaha maanta ku yeesheen dalalka ururka Iskaashiga Islaamka ayey kasoo saareen bayaan lagu cambaareenayo Israa’iil.

Ururka ayaa sidoo kale cambaareeyey Xasuuqa ka socda Gaza, weerarada lagu hayo dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin & Masjidka Al Aqsa.

Dowlada Sacuudiga oo shirka marti gelinaysa ayaa ku sheegtay weerarkii lagu dilay hogaamiyihii Xamaas Haniyeh, xad-gudub loo geystay madax-banaanida Iran.

Wasiirka arrimaha Dibada Sacuudiga, Waleed Al-Khuraiji ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan farogelin kasta oo lagu sameeyo dal madax-banaan.

Horseed Media