Ururka Midawga Afrika oo walaac ka muujiyay xiisada ka dhaxaysa Wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Published: March 7, 2020

Ururka Midowga Afrika Mahamat ayaa walaac ka muujiyay Xiisadda Siyaasadeed ee mar kale ka dhex bilaabaty Dawlada deriska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.

Ururka Midawga Afrika ayaa ka codsaday dhamaan daneeyayaasha in ay xasiliyaan Xiisadda, labada dhinac ayayna ugu baaqeen in ay wadda-hadal ku dhameeyaan xiisada ka dhex-aloosan.

Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki ayaa sheegay  in Midowga Afrikaoo kaashanaysa Beesha Caalamka ay sii wadi doonaan in ay si dhaw ula socdaan xaaladda labadda dal si looga baaqsado in Khilaafka sii xoogaysta. Guddoomiyuhu wuxuu xaqiijiiyay in Ururka Midowga Afrika ay diyaar u yihiin in labada dal yeeshaan wadahadal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo deris wanaagga, iyada oo la waafajinayo mabaadi’da Midowga Afrika.

Dawlada Soomaaliya ayaa dhawr-jeer dalka Kenya ku eedaysay in ay soo faragelisay siyaasada Soomaaliya, arintaan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu ka baxsada gacanta dawlada isla markaana uu galay wadanka Kenya, Sidoo kale ciidamada Jubaland ee dhawaan magaalada xuduuda ah ee Beled-xaawo kula dagaalamay Ciidamada ay geysay DFS ayaa iyaguna gabaad ka dhigtay Magaalada Mandheera.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *